A vaccine is a biological preparation that provides active acquired immunity to a particular disease. |
Talaalku waa shey laga diyaariyey noole kaasoo ku siinaya difaac shaqeynaya oo ah nooca la kasbado asigoo lid ku ah cudur gaar ah. |
A vaccine typically contains an agent that resembles a disease-causing microorganism and is often made from weakened or killed forms of the microbe, its toxins or one of its surface proteins. |
Talaalka caadiyan wuxuu ka kooban yahay shey u eg noolaha yer ee cudur-keenaha badanaa waxaa laga sameeyaa nooc la jilciyey ama ladilay oo noole ah, ama wuxuu ka sameysan yahay suntiisa ama borotiinada oo ayagana la jilciyey ama la dilay. |
The agent stimulates the body's immune system to recognize the agent as a threat, destroy it, and recognize and destroy any of these microorganisms that it later encounters. |
Sheyga wuxuu carinayaa habdhiska difaaca ee jirka si uu u aqoonsado noolaha dhibta wada, uu u dilo, una aqoonsado una burburiyo noolayaashaan kii kamid ah hadii markale uu jirka soo galo. |
Vaccines can be prophylactic (example: to prevent or ameliorate the effects of a future infection by a natural or "wild" pathogen), or therapeutic (e.g., vaccines against cancer are being investigated). |
Talaalku wuxuu noqon karaa mid ha hortag ah ( tusaale: si looga hortago ama loo yareeyo saameynta caabuqyada caadiyan dhaca ama cudurkeenayaasha aan la aqoon), ama daawayn ( tusaale, talaalada kansarka waxaa ku socdo baaritaan). |
The effectiveness of vaccination has been widely studied and verified; for example, the influenza vaccine, the HPV vaccine, and the chicken pox vaccine. |
Waxtarka talaalka waxaa loo baaray si balaaran waana la xaqiijiyey; tusaale, talaalka hargabka, talaalka beer xanuunka, iyo bus-buska. |
The World Health Organization (WHO) reports that licensed vaccines are currently available for twenty-five different preventable infections. |
Ururka Caafimaadka Adu(UCA) wuxuu soo gudbiyey warbixin sheegeysa in talaalada ogolaanshaha la siiyey in hadeer aya ka hortagi karaan 25 caabuq oo laga hortagi karo. |
The administration of vaccines is called vaccination. |
Habka siinta talaalka waxaa la yiraahdaa talaalid |
Vaccination is the most effective method of preventing infectious diseases; widespread immunity due to vaccination is largely responsible for the worldwide eradication of smallpox and the restriction of diseases such as polio, measles, and tetanus from much of the world. |
Talaalku waa habka ugu wanaagsan ka hortagida cudurada la is-qaadsiiyo; difaaca baahsan ee talaalku ayaa sabab u ah cirib-tirida guud ahaan aduunka ee cudurka furuqa iyo xadidida cudurada qaar sida cudurka dabeysha, jadeecada, teetanada in badan ee aduunka ah. |
Most vaccines are given by hypodermic injection as they are not absorbed reliably through the intestines. |
Talaalada badankooda waxaa laga qaataa duriin maqaarka hoostiisa ah maadaama xiidmaha aanan si wanaagsa laga dhuuqi karin. |
Live attenuated polio, some typhoid, and some cholera vaccines are given orally to produce immunity in the bowel. |
feyruska dabeesha oo la jilciyey, qaar ka mid ah tiifowga, iyo qaar koleeraha ah waxaa laga qaataa afka si ay difaac ugu yeesho xiidmaha. |
While vaccination provides a lasting effect, it usually takes several weeks to develop, while passive immunity (the transfer of antibodies) has immediate effect. |
Inkastoo talaalka laga helayo raad raagaya, caadiyan waxay qaadataa dhoor isbuucyo si ay u sameysato, in kastoo difaaca la isku gudbiyo ( gudbinta lid-jir) uu leeyahay raad deg deg ah. |